Safiirka Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Danjire Cabdulaahi Warfaa ayaa xafiiskiiska Safarada ku qaabilay wafdi ka socday Midawga Yurub.
Wafdiga ayaa ka koobnaa La taliyaha gaarka ah ee Midowga Yurub, Kristin Fedeler,Patrick Dupond sii hayaha EU ee Midowga Afrika iyo Andre Schoofs, la taliyaha arrimaha ciidamada ee Midowga Yurub.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midawga Yurub iyo taageerada hortabinta u ah arrimaha Amniga iyo hormarinta Dhaqaalaha Dalka.