AKHRISO:- Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka

0

Maxamed Coloow Maxamed oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gulufka dagaal ee ka dhan ah Al-Shabaab ka wada degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed uu sigaar ah isugu soo dhiibay Ciidamada guutada Khaalid Bin Waliid kadib markii uu la soo xiriiray saraakiil katirsan.

Maxamed Coloow Maxamed ayaa sheegay in inta uu ka tiranaa Al-Shabaab uu ku dhuumaaleysaneysay deeganada miyiga ah ee Gobolada Galgaduud, balse uu sheegay inuu u adkeysan waayey Gulufka culus ee Ciidanka xoogga ay ka wadaan Gobolka Galgaduud.

Waxaa uu ugu baaqay Saaxiibadiisa kala ee weli katirsan Al-Shabaab, inay isaga soo baxaan, isla markaana ay isku soo dhiibaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Ciidamada guutada Khaalid Bin Waliid ee soo dhaweeyay Maxamed Coloow Maxamed ayaa dhankooda sheegay inay soo dhaweyn doonaan xubin kasta ee kasoo baxda Al-Shabaab, isla markaana weli fursado badan ay heystaan.