AKHRISO:- Laamaha Amniga Galmudug iyo Maamulka dowlad degaanka oo ka wada hadlay amniga xaduudaha

0

Taliyaha Saldhiga Booliiska degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo ay Wehlinayeen Saraakiil Ciidan iyo madax Qaybeedka Amniga Xaduudaha maamulka Degmada Caabudwaaq ayaa kulan looga hadlayay iskaashiga dhinaca amniga iyo wada Shaqaynta waxaa ay santarka Duuban kula qaateen masuuliyiin iyo saraakiil ka socotay Dowlad degaanka Soomaalida.

Kulanka ayaa looga hadlay wada Shaqaynta Amniga xaduudaha iyo Xal u helida Qul-qulka Dawarsadayaasha ka imaanaya Itoobiya ee xadka kasoo tilaabaya, kuwaas oo u baahan in laga hortago.

Kulanka Labada dhinac ayaa isla laaqatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo Nabad galyada iyo in Ciidamada deegaanku xakameeyaan Dadka kasoo jeedo Itoobiya ee kasoo Gudbaayo Xadka.

Ugu Dambeyn labada dhinac ayaa isku afgarta in laga wada shaqeeyo sugida Amniga xaduudaha oo mararka qaar ay ka dhacaan falla amni darro , isla markaana gacanta lagu soo dhigo dadka ka dambeeya falalkaas amni darro.

Xadka u dhaxeeya Gobolka Galfaduud iyo dhulka dowlad degaanka Somaalida ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil oo uu ugu dambeeyay kii dhawaan lagu dilay 5 Carrruurta dugsileyda aheyd, kuwaas oo weli aan gacanta lagu dhigin maleeshiyaadkii ka dambeeyay.