Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay degaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad Gaashaanle Maxamed Nuur ayaa laga sameeyay degaannada, Luun Adeegow, Warta Dollar iyo degaanka Weeleey, waxaana Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay degaannadaas dadka ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad Gaashaanle Maxamed Nuur ayaa sheegay in sidoo kale la burburiyay xarumo ay Al-Shabaab dadka lacago uga qaadi jireen, isla markaana degaannada dhammaan ay la wareegeen.
Wuxuu hadalkiisa uu intaas ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada laguna ballaarin doono degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Baay iyo Bakool.
Howlgalkan Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Xudur ayaa kusoo aadaya xilli howlgal gaar ah oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose ay dowladdu sheegtay in lagu dilay 20 katirsan Al-Shabaab.