Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaannka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Sida ay qortay warbaahinta dowladda, hawlgalkan ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay.
“Waxaa lagu beegsaday laba guri ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen Xubno iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey guryihii fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.” ayay raacisay Warbaahinta Afka dowladda.
“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an sifaynta Al-Shabaab.” ayaa lagu soo gabangabeeyay qoraalkan.
Dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.