Wafdi wasiiro ah oo ku sugan Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed ee Baraawe ayaa maanta kulan loogu hadlayey Arrimaha Amniga Caasimada Koonfur Galbeed ee Baraawe kula qaatay Taliyaasha ciidamada Meliteriga, Nabad Sugida ATMIS, Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed kan dowladda Federaalka, iyo Maamulka Magaalada Baraawe.
Shirkan ayaa looga hadlay dardargelinta Amniga adkeynta iyo u diyaar garowga la dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta wadashaqeynta maamulka Bulshada iyo Laamaha Amniga.
Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixino kala duwan laga dhageystay Teliyaasha Ciidanka oo ugu horeeyo taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka. Taliyaha booliska koonfur galbeed, Taliyaha ATMIS ee Baraawe iyo laamaha kale ee Amaanka.
Dhammaan Madaxdii ka qeyb gashay Shirka ayaa isku raacay in la adkeey Amniga Magaalada Baraawe sidoo kalena Ciidamada kala duwan ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabaan degaannada hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.