Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay la soo afjaray ka dib dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay xaafada Kaawo Godey eedegmada Dharkiiley
Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada xasilinta oo howlgal ku jiray iyo Ciidamo uu watay janeraal Sheegow Axmed Cali .
Dagaalka xalay ilaa saakay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley ku dhex-maray Janeraal Sheegow iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayaa sababay khasaare kala duwan.
3 askari ayaa ku dhintay dagaalkan oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidanka Sheegow, halka midka kale uu ahaa Boolis, waxaana sidoo kale ciidanka amniga ka dhaawacmay 4 kale, mana jiro khasaare soo gaaray rayidka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska.
Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamad si deg deg ah Maxkamad loo horgeyn doono Jeneraal sheegow iyo Ciidamada uu watay ee dagaalka lagu qabtay .