Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir madaxeedka wadamada ku bahoobay ururka BRICS, kaas oo ka furmaya Dalka Koonfur Afrika 21-ka bishaan.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa waxa uu ka qeyb geli doonaa Shir Madaxeedka 15-aad ee Ururka BRICS oo lagu qaban doono magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo socon doona 21-ka ilaa 24-ka Agoosto, waxaana ka qeybgali doona Shanta wadan ee Ururka BRICS sida Brazil, Russia, India, China iyo South Africa.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa horay u booqday Koonfur Afrika sanadkii 2018-kii isagoo doonaayey inuu sare u qaado xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee dalkiisa uu la leeyahay Afrika.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wajahaya waaran lagu soo xirayo ayaa ka qeyb qaadan doona muuqaal ahaan kulankaasi,halkii uu shaqsi ahaan uga qeyb gali lahaa.