Isxaaq Mayow Mohamuud oo Alshabaab looga yaqaano (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.
Isxaaq Mayow ayaa Mudo Afar sano ah la sheegay in Alshabaab uu u qaabilsanaa Jabhada isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo,Jubbooyinka iyo Deegaano kale.
Wuxuuna kahadlay Sababta ku kaliftey in Alshabaab isaga soo baxo,wuxuuna sheegey in isaga uu go’aansaday in uu is soo dhiibo
Ugu dambeyn wuxuu Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Alshabaab in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.