AKHRISO:- Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Turkiga

0

12 qof ayaa ku geeriyootay, 19 kalena wey ku dhaawacmeen Shil Bas oo saacadihii hore ee saaka ka dhacay Degmadda Sorgun ee Gobalka Yozgat ee dalka Türkiye.

Baaka anika galay oo ay lahayd Shirkadda Dalxiiska ee Kamil Koç Tourism ayaa waxa uu ku sii jeeday magaallada Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbul.

Dareewalka baska waday oo magaciisa lagu soo koobay A.T. ayaa waxa la sheegay inuu xakamayn kari waayey Baska oo uu Xawaare ku waday, wuxuuna Baska ka baxay Wadada, la hor inuusan ku dhicin meel Haadaan ah.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegtay inuu Shilkaasi ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Mükremin ee Waddada Weyn (Highway)-ga ee isku xirta Sivas iyo Yozgat.

11 qof ayaa isla goobtii ku geeriyootay, halka qof kalena oo dhaawacmay uu dhintay markii la gaarsiiyey Isbitaalka.

Sidoo kale, 19 qof oo ku dhaawacmay Shilkaasi ayaa waxaa loo gudbiyey dhowr Isbitaal, waxaana la soo weriyey in mid ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaalladiisa aad u liidato.

Kooxo Gurmad ah oo ka kala socday Ciiddanka Boliska, kuwa Gendermarie iyo Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega dalka Türkiye ee AFAD ayaa soo gaaray goobta uu Shilku ka dhacay, iyagoo u gurmaday dadkii wax ku noqday Shilkaasi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobalka Yozgat,
Mehmet Ali Özkan waxa uu ka Tacsideeyey dadkii ku dhintay Shilkaasi, isagoo Nasiib-xumo ku tilmaamay Shilkaasi.