AKHRISO:- Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare oo u yeeray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda

0

Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa ugu yeeray xafiiskooda Aqalka Sare, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, si ay wax uga waydiiyaan su’aalo dheeraad ah iyo turxaan bixin ay uga baahdeen Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senator Ibraahim Owgaab Cismaan, ayaa wasiirka uga mahad celiyay siduu ugu faahfaahiyay sharraxaadna dheeraad ahna uu uga bixiyay qodobbada sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.