Ciidamada Hay’adaha Amniga ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Howlgalka ayaa Ciidamada Hay’adaha Amniga waxa ay ka sameeyeen Xaaafado ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid .
Sidoo kale , Wararka ayaa sheegaya in Hawlgalka lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale ay weli gacanta li haayaan laamaha amniga.
Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in Hawlgalka uu socon doonno ilaa laga xaqiijiyo Amniga Magaalaada Muqdisho.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baaxay oo ay hay’adaha amniga ee la xiriira Hawgalkii xalay laga sameeyay Xaafadaha qaar ee magaaaladaa Muqdisho.
Hawlgalka laga sameeyay degmooyinka qaaar ee gobolka ayaa kusoo aadaya , kadib markii weerar ku bilowday qaraxyo ay Al-Shabaab geysteen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir , kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.