Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya kooxo hubeysan oo Xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye Gobolka Shabeellaha Hoose kudilay Alle ha u Naxariistee Nin Oday ahaa oo kamid ahaa dadkla kunool degmadaas.
Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabaas Osman Abshirow ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in uu ahaa Nin ku Shaqeysan jiray Gawaarida nooca Raaxada ah ee loo yaqaano Tax, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo katirsan kuwa laamaha Amniga degmada Afgooye ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Ninka Odayga ah.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Cabaas Osman Abshirow iyo cidda ka dambeeysay dilkiisa, hayeeshee laamaha Amniga degmada Afgooye ay sheegeen inay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa dambiilayaasha.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa horay dhowr jeer loogu dilay dad isugu jiray Mas’uuliyiin, Askar iyo Odayaal dhaqan, iyada oo dilalkaas ay horay u sheegteen inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.