Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay kordheen Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee howlgallada wada.
Wuxuu sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay iska soo dhiibeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe in ka badan 200 oo Xubmood, hadana kuwo kale ay wadada kusoo jiraan.
Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in howlgallada Ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan ay sii laba jibaari doonaan si guud ahaan dalka looga saaro Ururka Al-Shabaab.
Hadalka Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli guluf dagaal oo Ciidan uu ka socdo degaano iyo degmooyin ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.