Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa waxaa ay howlgallo xoogan ka bilaabene degaano katirsan Gobolka Galgaduud, iyaga oo la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Ciidamada oo ka baxay degaanka Sinadhaqo ayaa dagaal kooban kula galay Al-Shabaab degaanka labi-dule oo oo kamida degaanada hoostaga Magaalada Dhusamreeb ee Caasimada Galmudug.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa inay ka warheleen in Xubno katirsan Al-Shababa ay isku aruursanayeen degaanka labi-dulle si ayweeraro u geystaan balse ay Ciidamadu ka hortageen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaal kooban oo Ciidamada xogga dalka iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka ay la wareegeen.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaa ay Ciidamadu ka gaarayaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud iyo degaannada hoostaga.
Dhinaca kale Ciidamada xooga dalka ayaa qarxiyay Miinooyin Al-Shabaab ku Aaseen Dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Magaalooyinka Dhuusmareeb iyo Ceelbuur, si ay dadka Wadadaas ku socdaalaya ay ku dhibaateeyaan.
Wararka kale ee naga so gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan wadada u dhaxeeysa Magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Ceelbuur, halkaas oo la geeyay Ciidamo farabadan oo loo qorsheeyay inay dib ula wareegaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.