Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab uu socon doono inta laga saarayo dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.