Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weeraro is xig xigay oo laba meeleeshiyo Beeleed ay ka geysteen degaanka barkadaha qurac shir iyo u dhaxeeya degaannada Caleen iyo Fadhigaraadle ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay hal qof ay kudileen Aaga degaanka Fadhigaraadle, mid kalena ay ku dhaawaceen, hayeeshee maleeshiyaad falkaas ka careysan ay dhankooda ay dil kale ka geysteen degaanka Qurac Shir.
Dilalkaan ayaa goobjoogayaal sheegeen inay salka ku heyso arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo waayadaan kajiray degaano kuyaalla xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in laamaha Amniga dowlad degaanka Soiomaalidaay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka dadka Shacabka ah.
Saraakiil katirsan laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay Warbhaainta u sheegeen inay cadaaladda horkeeni doonaan maleeshiyaadka dilka geystay, isla markaana aan la aqbaleyn in la dhibaateeyo dadka rayidka ah.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa xadka u dhaxeeya dhulka dowlad degaanka Soomaalida iyo Gobolka Galgalduud kusoo batay dilalka qorsheysan ee la xiriira aanooyin qabiil, iyada oo dadka geysta qaarkood gacanta lagu dhigay halka kuwo kale lagu raad joogo.