AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha NISA oo gaaray Ceelgaras

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo maanta laga saaray Alshabaab .

Masuuliyiintan ayaa Bogaadiyay Ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca Shacabka ee Alshabaab ka saaray deegaano Badan oo dhaca Bariga Galgaduud waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Shacabka Ceel-garas laga dulqaaday Alshabaab oo muddo badan halkaas maamulayay .

Socdaalka degaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ay ku tageen madaxdaan ayaa ku soo aadeysa Xilli barqadii maanta Ciidamada Dawlada Federaalka & kuwa degaanka ay la wareegeen gacan ku heynta degaankaas.