AKHRISO:- Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne oo Maalintii labaad Xiran

0

Wararka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maalintii labaad uu xiran yahay gaaroonka diyaaradahaa ee Magaaladaas.

Duulimaadka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ayaa xiran sababo la xiriira Canshuur kordhin Cusub oo Maamulka Hirshabeelle ay kusoo rogeen Diyaaradahii isticmaala Garoonkaas.

Madaxweyne ku xifeenka Maamulkaa Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabadeed iyo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maamulka Hirshabeelle ayaa khilaaf uu soo kala dhex galay ka dib markii ay isku qabteen canshuurta lagaa qaado diyaaradaha garoonka ka soo dega .

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa Canshuur cusub oo dhan 250$ kusoo rogay halkii diyaarad ee kasoo dagto garoonka. Isaga oo umagacaabay Garoonka Xisaabiye Cusub.

Mas’uuliyiin Wakiilada Diyaaradaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle Canshuur ahaan u qaato 450$ Diyaaradii, isla markaana aysan aqbali Karin in Canshuur cusub oo 250$ ah ay dhiibaan,

Dhinaca kale , Wakiilada Shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhawaaqay Shaqo Joojin mudo sadax maalmood ah Waxaana ay sheegeen In Canshuurta ay bixiyaan aanan waxba loogu qaban Garoonka dhibaatada.

Waa markii labaad lix bilood gudahood garoonka sidaan u xirmo arimo la xariiro is qab qabsiga Canshuurta, Boqolaal dadweyne ah oo safar ah ayaa ku kala xiyiran Magaalooyinka Baladweyne iyo Muqdisho shalay iyo manta iyadoo duulimaadka ugu dhow xiligan dadka safarka ah waa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.