Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo saacado badan qaatay oo ka dhacay degaanka Ceel la helay ee Gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Ceel la haley oo kamid ah degaannadii dhawaan la wareegeen Ciidamada dowladda ay weerareen Xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana jira khasaaro kala duwan oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.
In kastoo faah faahin rasmi ah aan weli laga helin dagaalka maadaama Isgaarsiintii degaanka ay Hawada ka maqan tahay ayaa dhinacyadu ay kala sheegayaan guulo kala duwan.
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ay baahisay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay fashiliyeen kana hortageen weerarkii qorsheysnaa oo ay kusoo qaadeen Ururka Al-Shabaab.
Warraka kale ay Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in intii suu socday dagaalka ay dhaceen duqeymo ay geysanayeen diyaarado dagaal, taas oo lala beegsanayay Goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in duqeynta khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana looga dilay Xubno badan oo kamid ahaa kuwii weerarka soo qaaday.