Dowladda Itoobiya ayaa beenisay war ay baahisay Al-Shabaab kadib dagaal ciidankeeda iyo Alshabaaab shalay ku dhex-maray gobolka Bakool ee koonfur-galbeed Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay Gaadiid Militari .
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid degmada Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur .
Danjiraaha Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”
“Waa ay isku dayi karaan[inay weeraraan ciidamada Itoobiya balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.
“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”
Hadalka ka soo baxay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xilli Degaaanka Booco ee ka tirsan degmaadaa Rabdhuure ee gobolka Bakool uu dagaal ku dhexmaaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xubno ka Tirsaan Alshabaab .