Giorgio Napolitano oo labo jeer soo noqday Madaxweynihii dalkaasi ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Rome.
Giorgio Napolitano oo 98 jir ahaa ayaa waxa uu xilka Madaxweynaha hayey muddadii u dhexeysay bishii May 15-dii ee sanadihii 2006 ilaa bishii January 14-dii ee sanadkii 2015.
Wakaallada Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa soo werisay inuu Giorgio Napolitano ku dhintay Isbitaalka The Salvator Mundi Hospital oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Rome.
Bilowgii bishan September ayaa la dhigay Isbitaalka, kadib, markii ay la soo gudboonaatay Xaallad Caafimaad-daro, lamana sheegin Xanuunka hayey ee uu u geeriyooday.
Madaxweyne Giorgio Napolitano waxa uu bishii June 29-dii ee sanadkii 1925-kii ku dhashay magaalladda Naples oo ah magaalladda Saddexaad ee ugu weyn dalka Talyaaniga.
Waxa uu noqday Madaxweynihii u horeeyey ee Talyaaniga oo Labo jeer dib loo soo doortay, wuxuuna xilka ka degay sanadkii 2015-kii isagoo 89 jir ahaa.