Magalooyinka kala duwan ee dalka Canada waxaa ka socda olole lagu dalbanayo in dadka magangelyo doonka ah ee ku sugan gudaha Canada la siiyo degenaansho rasmi ah.
Dadka u ololeynaya arrintan ayaa sidoo kale warqado u qoray xildhibaannada ku matela baarlamanka, iyagoo taageero u raadinaya dadaalladooda.
Soomaali ayaa kamid ah dadka siyaabo kala duwan ku galay dalkaas, balse wali aysan aqbalin dowladda Canada.
Dalka Canada ayaa waxaa kunool Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo dalkaasi u tegay inay ka Shaqeystaan, waxaana jira Soomaali farabadan oo sharci heysta iyo kuwo si sharci darro ah ku jooga dalkaas.