AKHRISO:- RW Xamse oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka & sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay dagaalka ka dhanka ah al-shabaab,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka loogu saari lahaa al-shabaab.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray.