AKHRISO:- Wasiir Fiqi oo oo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada Gobolka Mudug

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa booqasho iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidamada Macawislayda ee ku sugan deegaanka Wanane ee Gobolka Mudug.

Deegaankan oo ka tirsan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayey ku kala warqaateen Wasiir Axmed Fiqi iyo qeybaha bulshada deegaanka oo ay ku jiraan odeyaasha dhaqanka iyo Ciidamada Macawislayda ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.

Odeyaasha deegaanka iyo Macawislayda oo warbixin siiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa muujiyay diyaar garowgooda ku aadan ladagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo ka dalbaday dowladda gacansiin dhan walba ah.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi waxaa uu bogaadiyay sida geesinnimada leh ee ay ula dagaaleen Al-Shabaab, isaga oo carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab siiso dhammaan bulshooyinka ku gadooday Al-Shabaab, garab istaag iyo dhiirrigelinna uu ugu yimid, iyaguna laga rabo in ay u horkacaan la dagaalankooda.