Ciidamada amaanka ayaa bar koontarool oo banaanka magaalada Dhuusamareb ah ku fashiliyey labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kuwaa oo la doonayay in la soo geliyo magaalada Dhuusamareeb .
Baabuurta qaraxyada siday ayaa Ciidamadda Amniga Galmudug ay uga hortageen barkoontarool oo ku taalla Banaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dawlad Goboleedka Galmudug.
Sidoo kale wararka ayaa sheehaya in Qaraxyada ay dhaceen iyadoo ciidamada Amniga Galmudug ay rasaas ku ridayaan gaadiidka qarxay oo daqiiqado, waxaana lagu guuleesyay in lagu hakiyo tuulo qodax oo ah banaanka magaalada sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amniga.
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Ciidanka ammaanka saaka ay ka hor tageen laba gaari oo Alshabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay soo geliyaan magaalada Dhuusamareeb.
Lama sheegin khasaare ka dhashay baabuurta ay ku rarnaaayen walxagaha qarxa oo lagu qarxiyay banaanka Magaalada Dhuusamareeb