AKHRISO:- Beelo dega Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo Go’aan mid ah gaaray

0

Kadib kulan ay ku yeesheen degaanka Wara-dhumale ee Gobolka Galgaduud, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya ,Siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kaga hadleen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka oo dadkii ka qeyb galay uu kamid ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay waxaa ay sheegeen inay u diyaarsan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Saddexda Beelood ee Xawaadle, Mursade Ceyr ay isku raaceen in siwadajir ah looga wada qeyb qaato la dagaalanka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen Bulshada kunool Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, taas bedelkeedana loo baahan yahay in leyska dulqaado.

Xildhibaan Jacfar Abuukar oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankiisa sheegay in go’aankaan ay gaareen uu yahay dagaalkii ugu dambeeyay oo ay ku qaadayaan Ururka Al-Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii Kulan ka dhacay Gobolka Mudug ay ku midoobeen Beelo dega Gobolkaas, taas oo keentay in howlgallo ay fuliyeen Ciidamada degaanka iyo kuwa dowladda inay kula wareegaan degmooyin iyo degaano dhowr ah oo ay maamulayeen Al-Shabaab.