AKHRISO:- Madaxweyne Muuse Biixi oo si kulul ugu Jawaabay Puntland

0

Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khubad uu saaka ka jeediyay madasha dhaqaalaha ee Somaliland waxa uu kaga hadlay Xaalada Soomaaliland & Dad uu sheegay in ay Cadow ku yihiin Soomaaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in maamulka Puntland uu doonayo inuu “Somaliland balaarsi kaga qaato, Dhul hab beelaysan .

Sidoo kale Madaxweyne Myyse Biixi ayaa ku baaqay in abaalkiisa laga waraabiyo waxa uu ku tilmaamay “cadowga moodaya in Somaliland oo la weeraro ay fududayhay”.

Hadalkan Muuse biixi ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay uu hadal jeedin sameeyay Madaxweynaha Puntland isla markaana uu caddeeyay in Puntland ay difaacayso SSC oo ay wada dagaalameen Soomaaliland.