In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool qeybta waqooyi ee marinka Qaza ayaa maanta wajahaya waqti kama dambays ah oo ay Israa’iil ku doonayso inay ugu qaxaan koonfurta. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in tobanaan kun ay guureen.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in duqeyntii ugu cusleyd ee dalkiisu ka gaystay marrinka Qaza maalmihii la soo dhaafay ay ahayd oo kaliya “bilow”.
Xaalad Cabdi ayaa ka jirta qaybta waqooyi ee marinka Gaza ee dadku ku badan yahay tan iyo markii Israa’iil ay daadisay waraaqo ay ku amrayso dadka deggan inay ikaga baxaan. Iyadoo safaf dhaadheer oo dad iyo gaadiidba ay si degdeg ah ugu sameysmeen waddooyinka koonfurta, qaar badan ayaa sheegay inay diidi doonaan amarka ama aan weli dhaqaaqin.
Dhanka kale Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay weeraro dhulka ah ka fuliyeen Qaza “si ay meesha uga saaraan khatarta daagaal yahanada Filastiiniyiinta ee Xamaas.