Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa wararka aan helnay waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku billaawday ku qaadeen Saldhiga Ciidada dowladda iyo kuwa degaanka ee Burujeed oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada oo ka warqabay weerarka ay iska difaaceen, isla markaana khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Ilaa iyo hadda weli lama ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, hayeeshee Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Guriceel ay soo bandhigi doonaan khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Burujeed ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan.