Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay dadkii geeroyooday dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku Taaso ay ku naf waayeen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.
Isku soo baxa maanta ka dhacay isgoyska Zobe ee loogu duceenayay Shuhadada ayaa dhiig shubis loogu sameeyay Ciidanka Xooga dalka iyo kuwaa degaaanka .
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dalbadaay dadka shacabkaa aah in ay taageeraan Hawlada ka dhan ka ah Alshabaab ee ka socda degaanada Galmudug & Hirshaabeelle.