Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay degaano katirsan gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo ay sigaar ah u fuliyeen Ciidamada Ururka 51-aad Ee Guutada 9-aad Qeybta 60aad ayaa waxaa laga fuliyay degaannada kala ah, Eel garas, dudumal, Abag Beedey, kuunyeley, farak mada, waraabe, iyo Deeganka Moore hagar, kuwaas oo hoostaga Degmada Tiyeeglow Ee Gobalka Bokool.
Taliye kuxigeenka Guutada 9-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka G/le Yoonis Aadam Xasan ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ku burburiyeen Xarumihii Saldhigyada u ahaa Al-Shabaab oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada.
Wuxuu sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada Koonfur Galbeed ilaa iyo inta laga xoreynayo Al-Shabaab.
Gobolka Bakool ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada degaannada iyo degmooyinka katirsan ay weli u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, hayeeshee dhawaan uu ka billaaban doono howlgallada looga xorreyanayo Al-Shabaab.