AKHRISO:- Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyo Beeleed ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

0

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ciidamo aad u farabadan geeyay degaano ay ka dhaceen dagaal beleedyo, kuwaas oo hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaannada la geeyay ciidamada oo mudooyinkaan ay ka jireem dhibaatooyin ka dhashay dagaalka dhexmaray beelo halkaasi daga iyadoo sidoo kale goobahaasi laga bilaabay howlo dib u heshisiin ah oo ay wadaan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle.

Taliyaha Booliiska Hirshabelle Xasan Dhicisoow oo howlaha dib u heshisiinta ah horkacaya ayaa Odayaal dhaqan iyo Ciidamo suga ammaanka isugu geeyay degaannada kala ah Ceel muluq, Caddoow uul, Boos Hareeri iyo Deegaana kale oo Beelaha walaalaha ah Colaada ka dhaxjirta ay saameysay.

Degaano badan oo katirsan gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka jira dagaal beeleedyo faraha ka baxay idoo maalmihii ugu dambeyya ay halkaasi ka dhaceen dilal loo gaystay dhowr qof kuwaasi oo la xariira aanooyin qabiil, sidoo kalena Guryo la gubay.

Dagaalladaan ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aaday xilli degaanka burka-dirimeed loo fadhiyay dib u heshiisiinta labadaan beelood oo horay uu dagaal u dhexmaray.