AKHRISO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Koonfur Galbeed kala shiray la dagaalanka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo lagu soo bandhigay caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee Al-shabaab ay dhaxalsiiyeen deegaannada Koonfur-galbeed.

Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo KAl-Shabaab , iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaas oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah Al-Shabaab, dadkeeduna mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab oo caqabad ku noqday horumarka deegaannadooda.