Wararka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Roobab mahiig muddo saacado ah ka da’ayey magaaladaas uu sababay in biyo badan ku soo rogmadaan Xaafadaha Baladweyne
Wararka ayaa shegaya in Qoysas badan xalay laga samata bixiyay Daadka ku soo rogmaday Xaafadaha Magaaladaas.
Dhalinyaro iskood isku soo abaabulay ayaa la sheegay in ay ka qayb qaateen samata bixinta Qoysaska uu saameynta ku yeeshay Roobkii xalay ilaa saakay ka da’ayay Magaalada Baladweyne .
Qaar ka mid ah Dadku ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa xalay dadaal xooggan ku bixiyay daadadka ka dhashay Roobka sidii biyaha loogu leexin lahaa dhanka Webiga, waxaana ay ku guuleesteen in ay Furaan biya xireenka Dhagax jebis ee ku yaa at the end lla magaaladaas oo biyaha roobka ku shuba Webiga.
Shacabka ku nool magaalada Beledweyne ayaa ka cabsi qaba in biyuhu gudaha u galaan magaalada taas oo sababi karta khasaare iyo barakac.
Sidoo kale waxaa maalintii labaad xiran garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Roobka saameeyn uu ku yeeshay .