Taliska Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 14 xubnood oo ka mid ahaa Ururka Al-Shabaab.
14-ka Xubnood ayaa la sheegay inay dhawaan kasoo baxeen Ururka Al-Shabaab iskuna soo dhiibeen Ciidamada, iyaga oo u qaabilsanaa waxa loogu yeero jabhadda, kuwaas oo ah kuwa weerarada fuliya.
Qaar kamid ah Xubnaha isa soo dhiibay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegayin ay tahay sababta ku kaliftey in ay Al-Shabaab ay kasoo baxaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka.
Sidoo kale waxay sheegeen in ay u soo dulqaadan waayeen howlgallada ballaaran ay dowlada ka wado guud ahaan Dalka., kaas oo degaano iyo degmooyin badan looga qabsaday Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Xubnahan katirsanaa Al-Shabaab ayaa ugu baaqay saaxibadooda kale ee ku jira Al-Shabaab iney isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya si ay dadkooda uga mid noqdaan.
Isku soo dhiibista xubnahan ayaa kusoo aadaysa, iyada oo degaanada Koonfur Galbeed uu ka bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka Dalka lagaga xuraynaayo Al Shabaab.