AKHRISO:- Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay degaannada Koonfur Galbeed kadib safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Waxaa degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool kulan ku yeeshay Wasiiro katirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu wehlinayay Sanoter katirsan Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Maamulka iyo Odayaasha Dhaqanka degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Ujeedka kulanka ayaa waxaa uu ahaa sidii degaannada Koonfur Galbeed looga bilaabi lahaa howlgallada ka dhanka ah ASl-Shabaab, sigaar ah xoreynta degmada Tiyeegloow, halkaas oo ay hadda maamulaan Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow Mursal Maxamed Ibraahim oo Kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay isku raaceen in la billaabo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, balse hadda dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay doonayaan in laga xoreeyo.