Shirkii qaddiyada Falastiin ee shalay ka furmay dalka Masar ayaa waxa uu ku soo dhamaaday Khilaaf, iyado in la isku fahmi waayey qaabka loo dhigayo Qoddobada lagu shaacinayo Bayaanka qadajirka ee geba-gebada Shirkaasi.
Ergooyinka Carbeed iyo kuwa dalalka Reer Galbeedka ayaana isku khilaafay Dhigaalka War-murtiyeedka, iyadoo Ergooyinka Galbeedka ku adkeysteen in Bayaanka lagu dhaleeceeyo Ururka XAMAAS oo keliya.
Waxayna Ergooyinka Reer Galbeedka ka biyo diideen in Bayaanka lagu qoro eedeymaha Israel ee dilka Kumanaan Falastiiniyiin ah, Falkii Israel ee XJJ Dagaalka Qasa iyo in Shixnadaha Gargaarka Aadminimada gaaraan Deegaanada Marinka Qasa ee go’doonsan.
Khilaafka Ergooyinka Carbeed iyo kuwa Reer Galbeedka ayaa horseeday in Shirkii Qaahira la soo gunaanado bilaa War-murtiyeed loo dhan yahay.
Si kastaba, Dowladda Masar oo marti gelisay Shirkaas ayaa soo saartay Qoraal ku aadan Kulankaasi oo lagu casuumay Ergooyin ka kala socday 34 dal iyo Ururo Caalami ah.