AKHRISO:- Puntland oo Digniin Cusub kasoo saartay Roobab iyo dabeylo xoogan oo ku wajahan

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin cusub oo ku socota dadka degan xeebaha deegaannada Maamulka, waxaana lagu wargeliyay in Roobab dabaylo wata ay kusoo Food leeyihiin saacadaha soo socda ama maalmaha soo socda xeebaha Puntland.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, ayaa lagu sheegay inay jiraan roobab iyo dabaylo xoogan oo loo yaqaano ‘Tropical cyclone 05A’ kuwaas oo ay suuragal tahay inay gaaraan xeebaha Puntland.

“Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, waxay ku wargelinaysaa Bulshada reer Puntland ee degan deegaanada xeebaha in ay jiraan roobab iyo dabaylo xoogan oo Loo yaqaano ‘Tropical cyclone 05A’ kuwaas oo ay suuragal tahay in ay soo gaadhaan xeebaha Puntland saacadaha iyo maalmahan soo socda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Wasaaradda ayaa Bulshada reer Puntland ee dega dhulka xeebaha ku wargelisay, isla markaana fartay dhammaan bulshada xeebaha in aysan gelin, kana fogaadaan Badda laga bilaabo 22-25/10/2023.

Sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa waxay bulshada xeebaha ku nool ku baraarujisay in ay is gaarsiiyaan khatarta, ayna muujiyaan digtooni iyo taxader dheeriya.