Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa baahisay in Gantaal lagu weeraray Saldhiga Ciiddanka Cirka Cayn Al-Asad ee Gobalka Ambar ee Galbeedka dalka Ciraaq.
REUTERS waxay ka soo xigatay Ilo Milliteri in Duqeyntaasi kadib in Daryanka Qarax weyn laga maqlay gudaha Saldhigaasi.
Ilaa haatan lama soo tebinin Khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay Qaraxaasi oo ay soo ganeen Maleeshiyo taabacsan Dowladda Iran iyo Ururka Xisbullaahi Lubnaan.
Shalay ayey ahayd, markii Diyaarad Daroon ah ku burburtay gudaha isla Saldhiga (Ain al-Assad base) ee Galbeedka Iraq, sida ay ku soo tebisay Wakaallada Wararka ee AFP.
Kooxda hubeysan ee Iska Caabinta Islaamiga Iraq (The Islamic Resistance in Iraq) ayaa sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi, sida lagu soo daabacay Barta Telegram Channel ee ay adeegsadaan Kooxaha Hubeysan ee taabacsan Milliteriga Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran.
Tan iyo Arbacadii la soo dhaafay waxaa 5 jeer Diyaaradaha Daroonka lagu weeraray saddex Saldhig oo ay Milliteriga Maraykanka iyo Isbahaysigooda ku leeyihiin dalka Iraq, kuwaasi oo kala ah: Saldhiga Cayn Al-Asad, Al-Harur Base iyo Xero Milliteri oo u dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Baqdaad.
Maraykanka waxaa ka jooga dalka Iraq Ciiddamo tiradooda dhan tahay 2,500 Askari, kuwaasi oo deggan 3 Saldhig oo ku kala yaalla Galbeedka, Waqooyiga iyo Caasimadda dalkaasi ee Baqdaad.