Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 260aad ayaa howlgallo qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bokool., halkaas oo ay ku sugnaayeeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaanka Eel-Boon oo Qiyaastii 48 KM dhanka Galbeedka kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bokool.
Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dhamme Onkod Macalin Aadan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in deegaankaan laga saaray Al-Shabaab, sidoo kale Al-Shabaab looga furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga tageen deegaankaas.
Taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Bakool.