Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa madaxweynaha u muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxayna Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaaneen sida ay uga libinta keeneen dagaalkan sida ay ugu guuleysteen inay degaanno badan Alshabaab ka saareen.
Madaxweyanaha oo ay kulankan ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan ururka Alshabaab oo ciriiriga ku haya nolasha dadka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo calami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah.
Madaxwyne Xasan Sheekh oo muddo laba bil ka badan Dhuusamareeb u joogay dhamaystirka wejiga koobaad ee dagaalka ayaa manta Muqdisho usoo guuray kana blaabay kulamo dib loogu abaabulayo dagaalka maalmahaan hakadka galay.