Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo shalay laga daahfuray xarun cusub oo ay hirgeliyeen magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.