Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dilal aanooyin qabiil lala xiriiriyay oo ka kala dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa Bartamaha degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa ay kudileen laba Dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka kunool degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Alle u Naxariistee labada Ragga ah ee lagu dilay degmada Matabaan ayaa waxaa kamid ahaa Faarax Cali (Towle) oo mar soo noqday hoggaanka Dhalinyarada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiin katirsan laamaha Amniga degmada Matabaan ayaa Warbaahinta u sheegay inay ku raad joogaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaas, isla markaana ay rajeeynayaan iany dhawaan gacanta kusoo dhiigaan.
Dhinaca kale isla xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu dilay laba Nin oo Ganacsatao ahaa, kuwaas oo lagu magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Xasan Diirshe, iyada oo maleeshiyaadkii dilka geystay ay baxsadeen.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Galmudug Cilmi Cali Cabdi ayaa sheegay inay baadi goob ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka uu ka socdo Bannaanbax looga soo horjeedo dilkii xalay sidoo kalena ay inta badan xiran yihiin Goobaha Ganacsiga.