Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’addaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar ama fudud iyo Warbixinta Golaha deegaanka cusub ee Caasimada Jowhar iyo geedi socodka dhismaha goleyaasha deegaanka Hirshabeelle.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay amaanka guud ee deegaanada Hirshabeelle, qorshe-yaasha howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Howlgalo ciidanka dib u xoreynta deegaanka ay ka wadaan deegaano hoos-yimaado degmada Gamboole.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa ka warbixisay Roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah.
Golaha Wasiirada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise-Sharciyeedyada kala ah Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar ama fudud oo Golaha Wasiirada ay usoo gudbiyeen Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Qorsheynta, iyo Amniga.
Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa golaha ugu warbixiyay guushii laga gaaray dhismaha golihii deegaanka ee Caasimada Jowhar oo sedex cisho ka hor lasoo gabo-gabeeyay doorashadooda iyo geedi socodka dhismaha goleyaasha deegaanka Hirshabeelle.
Golaha Wasiirada ayaa cod wadar ogol ah ku ansixyay 1- Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, 2- Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn iyo 3- Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar.