AKHRISO:- Puntland oo Ciidamo kala dhex-dhigtay laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland, Feysal Sheekh Cali oo wata Ciidamo Boolis iyo Daraawiish isugu jira ayaa safar shaqo ku tagay degaanka Qabooley oo u dhaw Degsiimada Bali-busle ee Degmada Jiriiban ee Gobolkaasi Mudug.

Safarka oo salka ku hayay laba Maleeshiyo Beeleed oo is rasaasayn ku dhexmartay Ceel horay looga qoday deegaankaas oo dhamaystirkiisa wali wax u dhimanaayeen, balse labada maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalameen.

Dagaalka labada maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday laba Rag ah halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ka wada tirsanaa maleeshiyaadka dagaalamay.

Ciidanka iyo Guddoomiyaha ayaa xili habeenimo ah goobtaas gaaray si ay u kala dhexgalaan labada Maleeshiyo Beeleed loogana hortago khasaare dambe u dhaca hadii ay dagaalamaan labada maleeshiyo Beeleed.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland, Feysal Sheekh Cali uu kulan la qaato Odayaasha Dhaqanka labada Maleeshiyo Beeleed, si xal looga gaaro colaada soo laab laabatay.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Gobolka Mudug ee qeybta Puntland ka dhacayay dagaal beeleedyo, waxaana Puntland ay ku guuleysatay inay Ciidamo kala dhex dhigto, halak degaannada qaar ay weli xiisad ka taagan tahay.