AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo Amar dul-dhigtay cid kasta oo hub ku dhex heysata Muqdisho

0

Wasaaradda amniga Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ku amartay shirkadaha, hay’addaha iyo cid walba oo hub ku dhex haysata magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iney isa soo diiwaan galiyaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu faray dhamaan shirkadaha iyo hay’adaha hubka ku dhex haysata Muqdisho iney isku soo diiwaan galiyaan mudo 15 maalmood gudahood.

“Xafiisyada ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaan idinku wargelinaynaa in and nagala shaqeeysaan in Hay’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya amiga iyo xarumaha gaarka loo leeyahay in ay soo diwaan galiyaan hubka ay heystaan maddo 15 maalmood gudaheed oo ka bilaabanaysa 01/11/2023 kuna eg 16/11/2023” ayaa lagi qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Amniga gudaha.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda amniga ayaa kusoo beegmaya, iyadoo horay Muqdisho looga mamnuucay in lagu dhex qaato hubka waa weyn iyo waliba askarta badan ee ilaalisa madaxda dowladda masuuliyiinta kale.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho kula dagaalameen Janeraal Sheegow oo ahaa Sarkaal Millateri oo hub iyo Ciidan ku dhex heystay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.