Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Mareexan, ayaa masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsan ku eedeeyay in ay dagaal kula jiraan Somaliland.
Waxa uu sheegay in Federaallka dowlada Soomaaliya ay dagaal kula jirto Somaliland, isla markaana wakiilka dowlada federaalka u fadhiya Qaramada Midoobay in uu warbixino dhan ka raran oo ku saabsan dagaalka Laascaanood, uu geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay…..
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Guddaha Xukuumadad Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayuu ku Eedeeyay in uu dagaal toos ah Somaliland kula jiray intii uu dagaalka Laascaanood bilaabmay, waxa uu sheegay in wasiirku Somaliland warar been ah ka faafinayo isla markaana uu Israa’iil barbar dhigay.
Si kastaba war ka soo baxay Wasiirka Wasarada Biyaha Soomaaliland Cali Mareexaan ayaa ku soo aadaya Xilli Golaha Amaanka ee Qaramada loo gudbiyay qaraar ku saabsan in Soomaliland ay xasuuq ka geysatay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.