AKHRISO:- Qorsho lagu dardar gelinaayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka billaawday Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo lagu dardar gelinayo sidii loo laba jibaari lahaa howlgallada laga fulinayo degaannada Galmudug sigaar ah xoreynta degaannada kuyaalla Bariga gobolka Galgaduud oo ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Kulamada oo ay goobjoog ka yihiin, Saraakiil Ciidan, Xildhibaano, Odayaal Dhaqan, Culimo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa looga hadlay sidii, iyada oo la kaashanayo dowladda Soomaaliya loo bilaabi lahaa xoreynta degaannada kuyaalla Bariga gobolka Galgaduud

Guddoomiyaha degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir Mire Salaad Dhuxulow & Xildhibaan hore Sheekh Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa siwadajir ah u sheegay in hadda meeshii ugu wanaagsaneyn ay taagan tahay loona baahan yahay in lala dagaalamo Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug ahna Senator katirsan Aqalka Sare Farxaan Cali Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dadka uu metelo ay diyaar u yihiin inay degaannadooda xoreystaan, wuxuuna ballan qaaday in uu garab istaadi doono.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay kuwa degaanka ee Macawiisleyda ah waxaa ay howlgallo kula wareegeen degaano iyo degmooyin kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud wallow markii dambe ay kasoo baxeen.