Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dil iyo dhaawac ugu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed meelo kamid ah dalkaas, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsatada dalkaas iyo kuwa ka Shaqeysata.
Kooxoha Burcadda ah ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ku weeraray dukaan ay ku Ganacsanayeen oo kuyaalla Degmada Kuguleesow oo hoostagta Magaalada Cape Town, waxaana ay halkaasi kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Amiin Maxamed Cusmaan.
Dilka Amiin ayaa waxaa kasii horreeyay dilka muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Ufurow Nuur Xuseen, iyada oo Kooxaha Burcadda ah ee dilalka iyo dhaawaca geystay ay Goobta ka baxsadeen.
Dhinaca kale Kooxo Burcad ah ayaa rasaaseeyay Gaari ay wateen Muwaadiniin Soomaaliyeed xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Tembisa ee gobolka Gauteng ee dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay laba Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana dhaawacooda loo qaaday Tembisa Hospital oo ka tirsan Kempton park.
Ciidamo aad u farabadan oo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay Goobaha ay dilalka iyo dhaawaca ka dhaceen, hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii falalkaas geystay.
Dilkan iyo dhaawacaan Muwaadinniinta Soomaaliyeed loogu geystay dalka Koonfur Afrika ayaa kusoo aadaya xilli dalkaasi ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dowladda Koonfur Afrika kala hadlaya dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida.